
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wejiga koowaad ee heshiiskii nabadeed ee Gaza la gaaray, taasoo la micno ah โDhammaan la haystayaasha la sii dayn doonaa dhawaanโ
Heshiiska ayaa waxa qeyb ka ah xabbad joojin, ka dibna la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israaโiil si loogu beddelo maxaabiista Falastiiniyiinta, iyo in ciidammada Israaโiil laga saaro qaybo ka mid ah Gaza.
Isagoo la hadlayay Fox News, Mr Trump wuxuu sheegay in la haystayaasha la sii daaynayo Isniinta. Waxa uu xusay in Bariga Dhexe ay isu yimaadeen, Gazana dib loo dhisi doono, iyadoo dadka la daryeelayo.
โAad ayaan ugu kalsoonahay in nabad laga islaaxin doono Bariga Dhexe.โ