
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi gaar ah ka yeeshay kordhinta xayiraadda dhinaca hubka ah iyo dhoofinta Dhuxusha ee Soomaaliya oo waqti ahaan ku siman maanta oo ahaa 13Ka December 2025 waxaana la gaarsiiyay 30ka November sanadka soo socda 2026.
Guddiga gaarka ah ee Golaha Ammaanka ee la soconaya kahortagga hubka dhinaca Badda ay ka heli karto AS, Dhoofinta Dhuxusha iyo waxyaabaha laga samayn karo ama loo adeegsan karo qaraxyada ayaa lagu wargeliyay in uu la socdo dhaqdhaqaaqa dhankaas ka socda.15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa si wadajir ah ugu codeeyay qaraarkaan in la kordhiyo, waxaana xayiraad dhinacyo kala duwan la dul-dhigay ‘AS’ si aanay u helin waxyaabaha ay u baahan tahay sida hadalka loo dhigay.
Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray in la xoojiyo kaalmada Soomaaliya lagu gacansiinayo si ay uga adkaato Daacish & AS oo guluf ka dhan ah uu ka socdo Gudaha Dalka, waxaana Goluhu uu dhiirrageliyay dedaalladaas lagu caawinayo Soomaaliya.
Laga soo billaabo dhammaadkii 2024, Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Dadka deegaanka ee Macawiisleyda waxa ay qaadeen howlgallo ka dhan ah ‘AS’ halka Dowlad-Goboleedka Puntland ay Gobolka Bari ka billowday dagaal ka dhan ah Daacish.
Duqaymaha lagu caawiyay Soomaaliya waxa ay sanadkii lasoo dhaafay gaartay ilaa 220 weerar kuwaas oo lagu dilay 868 xubnood oo katirsan Kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya sida hadalka loo dhigay.
