
Hay’adda Dowladda Iiraan u qaabilsan la dagaalanka burcadda dhinaca Internet-ka ayaa dagaal toos ah kula jirta kooxo weerar dhinaca mareegtaas ka weeraray Wakaaladda Wararka ee IRNA oo macluumaadka Dowladda soo gudbinaysa.
Warar been abuur ah oo ka dhan ah Madaxda Dalka Iiraan ayay baahinayaan kooxahaas waxaa kamid ah in uu dhaawac soo gaaray Madaxweynaha Dalkaas, waxaana socda dedaal xooggan oo Tehran ay isaga difaacayso arrintaan.
Culayska ayaa u muuqda in uu u weerday dhinaca Israa’iil oo magaalooyin badan oo dhaca waqooyiga dhulka ay xoogga ku haysato ay ku dhaceen gantaallo culus oo dhinaca Iiraan ka yimid halka Tel aviv iyo meelo kale laga maqlayo digniinta weerarrada.
