
Madaxa ugu sarreeya ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa eedayn culus u jeediyay Maraykanka iyo Israa’iil oo si bareer ah u beegsaday Goobo Caafimaad oo badankood ku yaalla Magaalada Tehran ee Caasimadda Iiraan.
Tedros ayaa xusay in meelaha laga xumaado ee bartilmaameedka u noqday isbahaysigaas ku duullay Iiraan waxaana kamid ah Machadka Pasteur Institute of Iran oo ah xarun baaris iyo adeeg caafimaad ah oo la dhisay sanadkii 1920.
Xaruntaan waxa ay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta caafimaadka dalka Iiraan iyo meelo kala oo baxsan kana soo baxeen dhaqaatiir badan oo jiil ka jiil isugu baddelay xadaaradda caafimaad ee dalkaas sida uu hadalka u dhigay.
Meelaha kale ee Maraykanka iyo Israa’iil ay ka beegsadeen Iiraan ee Hay’adda WHO ay dhaliishay waxaa kamid ah xarumo si gaar ah usoo saarayay dawooyin baahi loo qabo sida kuwa Kansarka & kuwo kale oo Bulshada muhiim u ah.
“Hay’adda WHO waxa ay xaqiijinaysaa beegsiga xarumaha Caafimaadka Iiraan oo lagu dhuftay in ka badan 20 weerar, waxaa diiwaanka galay dhimashada 9 qof oo ay ku jiraan shaqaale Caafimaad sida kuwa kahortaga cudurrada Faafa” ayuu yiri Tedros Adhanom, Madaxda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil ayaa marar badan weeraray Goobo Waxbarasho, Caafimaad & Kuwa Bulshada ugu muhiimsan, halka Madaxweyne Donald Trump uu ku goodiyay in uu beegsanayo Xarumaha Biyaha, Shidaalka & kuwo kale oo muhiim ah.
