
Dowladda Pakistan ayaa shaacisay inay ka go’an tahay sii wadista dadaallada ay isugu soo dhoweyneyso waddamada Mareykanka iyo Iiraan, si loo soo afjaro dagaalka u dhexeeya labada dhinac, inkastoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas ay qiratay inay jiraan caqabado hortaagan nabadda.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Tahir Andrabi, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo toddobaadle ah oo ka dhacay magaalada Islamabad, ayaan si faahfaahsan u sheegin caqabadaha rasmiga ah ee hortaagan wadahadalka inuu mar kale weerarayo Iiraan.
Pakistan ayaa hormuud ka ah dadaal ay ku midoobeen dhowr dal oo looga golleeyahay in lagu fududeeyo wadahadallo dhex mara Washington iyo Tehran. In kasta oo ay jiraan loolan iyo caqabado, Pakistan waxay sii wadi doontaa dadaalkeeda ku aaddan fududeynta iyo dhiirigelinta wadahadalka, ayuu yiri Andrabi.
Wuxuu intaas ku daray in Islamabad ay ka shaqeyneyso sidii loo abuuri lahaa jawi suurtagelinaya wadahadal dhab ah”oo dhex mara dhinacyada ay khuseeyo arrintan, isagoo carrabka ku adkeeyay in labada dhinacba ay kalsooni ku qabaan doorka Pakistan ee ah dhexdhexaadiye madax-bannaan.
