Waxaa geeriyooday Sheekh Ibrahim bin Cadel Hamza Al-Madani, oo kamid ahaa mu’adinnada Masjidka Xaramka ee magaalada Makka, kaddib muddo uu ka tirsanaa shaqada adhaanka iyo adeegga Makka Al-Mukarrama.
Geeridiisa waxaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Sacuudiga iyo baraha bulshada.
Sheekh Ibrahim Al-Madani wuxuu kamid ahaa 24-ka mu’addin ee aasaasiga ah ee Masjidka Xaramka, kuwaas oo si is-daba-joog ah u qaada adhaanka salaadaha shanta ah iyo adhaanka hore ee Fajr.
Waxaa si gaar ah loogu yaqaanay adhaanka Fajr-ka, takbiirrada iyo gudbinta takbiirrada imaamka isagoo ka shaqeynayay Makbariyadda Masjidka Xaramka.
Warbaahinta Al Jazeera ayaa sheegtay in Sheekh Ibrahim uu geeriyooday isagoo qiyaastii 51 sano jir ah, iyadoo warbixinadu tilmaamayaan in codkiisu si gaar ah ula xiriiray adhaanka Fajr-ka iyo munaasabadaha takbiirrada.
Waxaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay codad iyo muuqaallo laga duubay adhaankiisa iyo takbiirradiisa, iyadoo dad badan ay dib u xusuusanayaan codkiisii uu ka dhex yeeri jiray Masjidka Xaramka.
Sheekh Ibrahim Al-Madani ayaa mar uu ka hadlayay waayo-aragnimadiisa sheegay inuu si weyn u dareemay marka uu markii ugu horreysay adhaan ka qaaday Masjidka Xaramka, isagoo xusay sida ay u saamaysay inuu arko dadkii ku wareegayay Kacbada oo maqlaya codkiisa.
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Ibrahim Al-Madani, janadii Firdowsana haka waraabiyo, ehelkiisa, qoyskiisa iyo dhammaan Muslimiintana samir iyo iimaan haka siiyo.

