Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca cirka, dib-u-dhiska Ciidanka Cirka Soomaaliya, tababarka iyo tayeynta ciidamada, iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda hawlgal ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmaysa dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in dib loogu dhiso laguna casriyeeyo hay’adaha ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Cirka oo muhiim u ah ilaalinta hawada iyo xoojinta awoodda difaaca dalka.
Wafdiga Pakistan ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo laga wada hadlay sii horumarinta wada-shaqeynta labada ciidan iyo iskaashi dhinacyada tababarka iyo khibrad-is-weydaarsiga.
Booqashadan waxay daba socotaa safar uu Wasiir Axmed Macallin Fiqi ku tagay Pakistan 4-tii Agoosto 2026, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Ciidamada cirka labada dal ayaa sidoo kale horey u lahaa hannaan iskaashi oo loogu talagalay tababar, horumarinta awoodda iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Kulamadan ayaa muujinaya in iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan uu si gaar ah ugu sii jeedo dhismaha awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo horumarinta khibradda iyo tababarka saraakiisha iyo ciidamada.

