Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamed Isaaq (Korsaar), oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo saraakiil ka tirsan ciidamada amniga, ayaa kormeer shaqo ku tagay baraha kantaroolka cusub ee lagu soo kordhiyey duleedka magaalada Baydhabo.
Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu qiimeeyo habsami-u-socodka howlaha amniga iyo sida ciidamada ay uga shaqeynayaan baraha cusub ee kantaroolka, kuwaas oo qayb ka ah qorshayaasha lagu xoojinayo amniga iyo sugidda nabadgelyada magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.
Intii uu socday kormeerka, Wasiirka Amniga ayaa ciidamada ka dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha ay ka wadaan goobaha kantaroolka, xaaladda amni ee deegaanka iyo caqabadaha ay la kulmaan.
Wasiirka ayaa ciidamada faray inay si mas’uuliyad iyo feejignaan leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isagoo sidoo kale ku booriyey inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, isla markaana xoojiyaan wada-shaqeynta bulshada iyo laamaha amniga.
Waxa uu sheegay in iskaashiga ka dhexeeya bulshada iyo ciidamada amniga uu muhiim u yahay xaqiijinta amni waara iyo xasilloonida magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku dhow.
Baraha kantaroolka cusub ayaa qayb ka ah tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga magaalada Baydhabo, iyadoo lagu hubinayo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya magaalada.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howlaha amniga lagu saleeyo ilaalinta nafta, maalka iyo nabadgelyada shacabka, iyadoo ciidamada loogu baaqay inay si xirfad iyo masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda.







