Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo uu weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kormeer shaqo ku tegay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Kusimaha Madaxweynaha ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, waxaana soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Cirka, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, iyo saraakiil ka tirsan taliska.
Intii uu socday kormeerka, Kusimaha Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda, qorshayaasha dib-u-dhiska iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageerayso dadaallada lagu horumarinayo Ciidanka Cirka, isagoo ballanqaaday in la dardargelin doono qorshayaasha muhiimka ah ee la xiriira dib-u-dhiska iyo tayeynta taliska.
Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa uga mahadceliyay Kusimaha Madaxweynaha booqashada iyo taageerada uu u muujiyay qorshayaasha dib-u-dhiska iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Booqashada ayaa ugu dambeyn kusoo dhammaatay kulan qado ah oo masuuliyiinta ay kula qaateen saraakiisha Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
