Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Koonfur Galbeed ayaa galabta kulan la yeelatay qaar ka mid ah saxafiyiinta iyo warbaahinta madax-bannaan ee ka howlgasha deegaanada maamulka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka ay warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada, gudbinta xog sax ah iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya dowladda, warbaahinta iyo shacabka.
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Wasaaradda iyo bahda warbaahinta, is-dhaafsiga macluumaadka, ilaalinta mas’uuliyadda saxaafadeed iyo abuurista jawi warbaahineed oo ku dhisan xirfad, hufnaan iyo is-aaminaad.
Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay la shaqeyso dhammaan bahda warbaahinta, si loo horumariyo warbaahin awood u leh inay si masuuliyad leh ugu adeegto bulshada iyo horumarka Koonfur Galbeed.Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Omar Mustafa Nor, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed, Muxidiin Xusni, iyo Agaasimaha Warfaafinta, Younis Mohamed Ali.Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo warbaahinta, gaar ahaan dhinacyada xog-is-dhaafsiga iyo wacyigelinta bulshada.
