Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Issack Mohamed Issack (Korsaar), ayaa kormeer ku tagay xarumaha ay deggen yihiin ciidamada Birmadka ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Wasiirka ayaa kormeerka waxaa ku wehliyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Yuusuf, Taliyaha Ciidanka Birmadka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga.
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in Wasiirka iyo saraakiisha la socota ay indha-indheyn ku sameeyaan xaaladda xarumaha ay ciidamada ku sugan yihiin, goobaha ay deggen yihiin iyo adeegyada loo diyaariyey ciidamada.
Intii uu socday kormeerka, waxaa sidoo kale laga wada hadlay xoojinta howlaha amniga, diyaar-garowga ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa saraakiisha iyo ciidamada Birmadka ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan sugidda amniga, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada loo diyaariyo xaaladaha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah howlaha ay Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ku sameyso xarumaha iyo ciidamada ka howlgala deegaannada maamulka.

