Dowladda Taliban ee Afghanistan ayaa hakisay baahinta barnaamijyada BBC-da ee laga sii dayn jiray idaacadaha FM-ka ee dalkaas, tallaabadaas oo saameyn ku yeelan karta helitaanka wararka caalamiga ah ee shacabka Afghanistan.
Afhayeen u hadlay dowladda Taliban ayaa sheegay in go’aanka hakinta uu salka ku hayo waxa ay ku tilmaameen “xadgudubyo soo noqnoqday” oo ay BBC-du sameysay, balse ma uusan faahfaahin nooca xadgudubyada lagu eedeeyay warbaahintaas.
BBC-da ayaa ahayd hay’adda wararka caalamiga ah ee keliya ee weli barnaamijyadeeda ka baahin jirtay gudaha Afghanistan, kaddib markii sanadkii 2022 laga mamnuucay inay dalkaas ka hawlgalaan laba warbaahin oo Mareykan ah.
Hakinta baahinta BBC-da ayaa imanaysa iyadoo warbaahinta Afghanistan ay wajahayo caqabado la xiriira xorriyadda saxaafadda iyo helitaanka warar madax-bannaan.
BBC-du waxay muddo dheer adeegyo warbaahineed u fidinaysay shacabka Afghanistan, iyadoo wararka ku gaarsiinaysay luuqado kala duwan iyo habab ay ka mid yihiin idaacadaha FM-ka.
Xigasho: BBCWORLDSERVICE iyo MMDHORE


1 comment
https://addlinks.pro/bgKaZ