{WARSANRADIO}Kulan Gaarka ah oo golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ka yeesheen Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Ammaanka ayaa looga hadlay Weerarada Xarakada Al-Shabaab ay ka fulinayaan Soomaaliya.
Intii uu kulanku socday ayaa Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in bilihii lasoo dhaafay ay kordheen Weerarada iyo Qaraxyadda Al-Shabaab ay ka geysanayaan Soomaaliya.
Sidoo kale Wakiil ka socday dowladda Ruushka oo ka qeyb galay Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya in ay muhiim tahay in laga qaado si loola dagaalamo Al-Shabaab.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa tilmaamay in ay soo dhaweynayaan dadaalada ay wadaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxaa ay isku raaceen ugu dambeyntii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey in la kordhiyo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-Shabaab iyo sidoo kale in taageero ballaaran la siiyo Soomaaliya.