{WARSANRADIO} Tartan aqooneed ay ku harddamayeen Labaatan kooxood ee ka socday Tobanka Xafadood ay ka koobantahay Magaalada Baydhabo ayaa ku soo dhammaday caawa Idaacadda Warsan iyadoo uu soo maray tartanka dhowr wareeg oo habeenka ay koox haraysay kooxna ay soo baxaysay iyadoo fiinaalkii tartanka ay isugu soo hareen Xafadaha Howl-wadaag (B) iyo Berdaale(B).
Waxaa harddan dheer kadib nasiibka iyo waqtiga uu saaciday Xaafdda Hoowl-wadaag oo kaalin koowaad ku soo baxday iyadoo kaalinta labaad ay ku soo baxday Xaafadda Berdaale (B), halka ay kaalinta Seddexaad ay tartanka ka gashay Xaafdda Salaameey(B).
Tartanka intii uu socday waxaa taabba galinayay Ururka garab Walaal, waxaana Su’aalaha diyaarintooda gacan ka gaysanayay Jaamacadda B.I.U halka isku xirka isgaarsiinta xaafadaha tartamaya idaacadda ka qaybqaadatay Shirkadda isgaarsiinta Hormuud. Waxaa kaloo su’aalaha dhextaalka la weydiinayay Dhagaystayaasha soo diyarinayay Machadka I.P.S, waxaana su’aalaha diiniga waxaa soo diyaarinaysay Maktabadda Jameecatul Beder.