Olole tallaalka jadeecada ah oo aad u ballaaran oo laga fulinayo dalka ay abaartu ku dhufatey ee Soomaaliya ayaa higsanaya in uu carruurta ka difaaco cudurka oo uu noloshooda badbaadiyo
Muqdisho, 12da Maarso 2018 – Olole laga fulinayo guud ahaan dalka ayaa ka socda Soomaaliya si carruur malaayiin ah looga ilaaliyo raadadka loo dhiman karo ee ay jadeecadu dad ku reebto. WHO, UNICEF, maamullada caafimaadka ee heer qaran iyo heer degaan ayaa inta uu socdo ololaha guud higsanaya in ay gaaraan carruur 4.7 milyan ah oo da’doodu u dhaxayso lix bilood ilaa 10 sano jir. Toddobaadkan ayaa la qabanayaa qaybta ugu ballaaran ee ololaha oo lagu beegsanayo carruur 2.7 milyan ah oo ku nool maamullada degaannada koonfurta iyo bartamaha dalka, kuwaas oo ay weheliyaan 1.1 milyan oo carruur ah oo ku nool Somaliland. Tallaallada ayaa laga heli doonaa xarumaha caafimaadka iyo sidoo kale goobo tallaal oo ku-meelgaar ah.
Puntland ayaa ololaheedii fulisey bishii Jannaayo markaas oo in ka badan 933,000 carruur ah la tallaaley.
Tan iyo bilowgii sanadka in ka badan 2,800 xaaladood oo looga shakiyey jadeeco ayaa laga soo sheegey gobollada uu cudurku sida ugu weyn u saameeyey ee ay ka mid yihiin Baay, Banaadir iyo Mudug. Sanadkii 2017dii waxaa jirey in ka badan 23,000 xaaladood oo looga shakiyey jadeeco – tiradaas oo ah lix laabka tiradii sanadkii 2016dii, iyada oo aqlabiyad aad u badan (83 boqolkiiba) carruurta uu cudurku ku dhacay ay da’doodu ka yareyd toban sano jir.
Horraantii 2017dii, WHO, UNICEF iyo la-hawl-galayaashooda, oo ay weheliyaan maamullada caafimaadka ee heer qaran, ayaa jadeeco ka tallaaley ku dhowaad 600,000 carruur ay da’doodu tahay 6 bilood ilaa 5 sano jir oo ku noolaa degaannada ay adag tahay in la gaaro iyo degaannada uu cudurku ku badan yahay ee guud ahaan Soomaaliya.
“Ololaha ayaa sii xoojin doona dadaallada si loo dardargeliyo tallaalka joogtada ah iyo si loo gaaro carruurta aan la tallaalin si loo xoojiyo difaaca jirkooda. Sidii aan aragney sanadkii hore markii ay wada-hawlgalayaashu wax ka qabanayeen daacuun ba’an oo dillaacay, marka tallaabooyin sax ah
laga qaado, WHO iyo maamullada caafimaadka waxaa ay ku kalsoon yihiin in
guul taas la mid ah laga gaari karo xakameynta jadeecadan dillaacdey,” ayaa
uu yiri Dr Ghulam Popal, oo ah Wakiilka WHO ee Soomaaliya.
Abaar ba’an oo jirtey wax ka badan laba sano ayaa sababtey nafaqo-xumo
ba’an, barokac badan, iyo in aan la helin biyo nadiif ah iyo fayadhowr taas oo
abuurtey xaaladihii ugu habboonaa ee ay ku dillaaci kareen cudurrada faafa.
“Xaaladda ayaa gaar ahaan ku culus malaayiin carruur ah oo aan qabin
tallaal ku filan, kuwo jilicsan iyo kuwo nugul oo u baylahsan qaadista
cudurrada faafa. In ka badan 1.2 milyan oo carruur ah ayaa la qiyaasayaa in
ay halis ugu jiraan nafaqo-xumo ba’an 12da bilood ee soo socda. Carruurtan
ayaa sagaal jeer ay uga dhowdahay in ay dilaan cudurrada loo dhinto sida
jadeeco ama shuban-biyood ba’an/daacuun marka loo eego carruurta
caafimaadka qaba,” ayaa uu yiri Steven Lauwerier, oo ah Wakiilka UNICEF
Somalia.
Ololahan u dambeeyey ka hor, dhammaadkii 2017dii, WHO waxaa ay
shaqaalaha caafimaadka ee Soomaalida ah u qabatey tababarro xiriir ah oo
ku saabsan in goor hore la ogaado waxna laga qabto jadeecada dillaacda.
Tababarrada ayaa lagu higsanayey in lagu sii wanaajiyo ilaalo gaar ah oo
laga hayo kiisaska iyo in sheybaar lagu xaqiijiyo, sii wanaajinta maareynta
kiisaska jadeecada ee xilliyada uu cudurku dillaaco, iyo in la gaaro tallaalka
joogtada ah ee jadeecada ee ugu hooseeya oo ah 95 boqolkiiba.
UNICEF ayaa soo iibisey oo qaybiseyna in ka badan 4.7 milyan oo qiyaasta
mar la qaato ee tallaalka Jadeecada ah waxaana ay qabanqaabisey 1700
abaabulayaal bulsho ah oo qoysaska ku dhiirrigeliya in ay tallaalaan carruurta
iyo dadka waaweyn ee aan qaadan ama ay u maleynayaan in aaney si
buuxda u qaadan tallaalka. Kan waxaa la socon doona Fitamin A dheeri ah oo
gacan ka geysanaya xoojinta difaaca jirka.
Waxqabadka waxaa taageerey maaliyad laga heley Alwaleed Philanthropies
(Saudi Arabia), maaliyad-siinta WHO, iyo Sanduuqa Bani’aadamnimada ee
Soomaaliya.
** DHAMMAAD ***
Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xirii:
Aiyal Sultany, WHO, sultanya@who.int
Susannah Price, UNICEF +254 722 719867, sprice@unicef.org
RIIX HALKAAN SI AAD U AKHRISATO