Baydhabo Somaliya{WMN}- Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federalka oo ka gudbiyay mooshin Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qodobada ay ku eedeynayaan waxaa kamid ah inuu ku xadgudbay dastuurka gaar ahaan qodobkiisa 36aad,ku xadgudub xilka iyo awoodaha Madaxweynaha iyo inuu Madaxweynuhu heshiisyo la soo galay madaxweynayaasha Itoobiya iyo Eritrea.
Mooshinkan ayaa saxiixay tiradii loogaga baahnaa waxaana uu u gudbay Guddoonka Baarlamaanka isagoo uu saxiixay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Gudbinta mooshinkan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli marxalad adag oo dhinaca siyaasadda ah ay ka jirto dalka uuna jiro khilaaf ka dhexeeya Madaxda dowlada federalka iyo Inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Halkan hoose ka aqriso Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne farmaajo.