Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Kulankan oo ka dhacay xarunta Taliska Booliiska Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa u dhaxeeyey Talisyada Laamaha amaanka,Madaxda Gobalka,Kan Degmada Baydhabo iyo Odoyaasha dhaqanka.
Wuxuu ahaa kulan qabsoomidiisa uu ku baaqey Taliyaha Booliiska Koonfur Galbeed Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan,Amaanka Magaalada Baydhabo iyo Ergooyinkii Xildhibaanada soo doortey ee shabaab u yeereen ayaa ugu weyn wax yaabaha lagu lagu falan qaadeyey saacadaha kulanka socdey.
Odoyaasha iyo Salaadiinta kulanka ka qeyb galey ayaa laamaha amniga ku wargeliyey ineysan soo dhinac istaagi doonin qof Ergooyinka ka mid ah ee shabaab baaqooda ajiibey hadana dib ugu soo laabta Magaalada hadii la xiro,iyadoona Taliska Booliiska sheegey in tiro Ergooyinka ka mid ah ee soo laabtay saldhigyada baydhabo ku xiran yihiin.
Malaaq Deerow yacquub oo ah afhayeenka Odoyaasha dhanka ayaa kulanka kadib Saxaafada u sheegey in Amaanka iyo sidii laga yeeli lahaa Ergooyinka baaq shabaab ajiibey sida laga yeeli lahaa.
Janaraalka u sareeya Booliska Koonfur Galbeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa dhankiisa saxaafada u sheegey in qof kasta oo Ergada ka mid ah ee shabaab u tagay xabsiga dhigayaan go,aana laga qaadan doono sida laga yeelayo,isagoona intaas raaciyey in kuwii ugu horeeyey ee soo laabtay oo Ergadaas ka mid ah Saldhiga ku jiraan.
Dhowaan markii Shabaab ay soo saareen baaq ay ugu yeereen Ergooyinkii Xildhibaanada Fadaraalka soo doortay ayaa qaar ka mid ah Ergooyinka waxay aadeen dhanka Shabaab taas oo keentay in Talisyada laamaha amniga Koonfur Galbeed warkan kasoo saaraan.