Baydhabo Soomaaliya-{WMN}-Madaxweynaha dowlad goboleedka kgs cabdicasiis xasan maxamed oo shalay gelinki dambe dib ugu so laabteey magalada Baydhabo ayaa ka hadlay safaradi ugu dambeeyey ee uu ku bixiyey magaalooyinka xudur,marko iyo magaalada muqdisho isagoona sheegay in uu kulamo laqaatay madaxda ugu saraysa dalka kalana hadlay arimaha maamlkiisa
Dhanka kale madaxweyne cabdicasiis ayaa sheegay in madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha xukumada somaliya uu kala hadlay xoreynta deegaanada koonfur galbeed ee hada aan maamulin maalmulkiisa iyo furida wadada xiriirisa muqdisho iyo baydhabo
Madaxda dowlada dhexe ayaa dhowr jeer balanqaaday in ay bilaabi doonaan howlgalo dib loogu furaayo wadada muqdisho iyo baydhabo oo bulshada iyo ganacsatada isticmaasha ay dhibaato badan kala kulmaan