Baydhabo Somaliya-{WMN}-Xarig jarka dhismaha cusub ee dahab shiil kadhisatay baydhabo ayaaa xariga kajaray madaxwaynaha koonfur galbeed somaliya cabdi casiis xasan maxamed lafta gareen wuxuuna kur meeray qaybaha kala duwan ee xafiisyada dahab shiil goroob iyadoona maxawaynaha war bixino kadhegaystay howl wadeenada shirkada dahabshiil
Xarig karka dhismaha cusub kadib waxaa munaasabad lagu daah furaayey shirkada dahabshiil goroop lagu qabyay xaronta ruun jinaad waxaana munaasabada kaqaybgalay maxdax waynaha kg waziiro xildhibaano ganacsato aodayaal aqoon yahano
Ibraahim cali cabdi waa godomiyaha dahabshiil goroop ee kgs ayaa kawar bixiyay shirkada dahabshiil sida ay ugu shaqaynayso baydhabo
Gudoomiyaha BKGS, Cabduqaadir Shariif Sheekhunnaa Maye oo ka hadlay munaasabadda ayaa Dahabshiil Group ku amaanay hoowlaha mugga leh ee ay ka qabteen KGS, taasoo uu ku sheegay Sheekhunnaa in ay tahay mid muuqata oo lagu ammaani karo Dahabshiil Group.
Dhismaha Dahabshiil Group ee madaxweynaha KGS, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu xarig jaray ayaa ah dhisma casri ah oo aad u qurux badan oo ku yaala marin istraatiiji ah oo dhaca xudunta Baydhabo, waxaana uu ku soo kordhinayaa magaalada bilic iyo qurux qaab dhismeedka magaalada Baydhabo.