Baydhabo Somaliya-{WMN}-Doodani ayaa ahayd mid ku saabasan doorka ay haweenka ku leeyihiin isdhexgalka Bulshada iyo sidii ay haweenka door muuqda ugu yeelan lahaayeen dhammaan hoowlaha kala duwan eek or loogu qaadayo wacyiga bulshada oo haweenka ay kaalin muuqata ku leeyihiin.
Dooda oo ay qabatay Idaacadda Warsan waxaa ka qeeyb galay Maxamuud oo ah madaxa Mashaariicda ururka BWDO, Maryan oo ah macalimad wax ka dhigta iskuulada ku yaala magaalada Baydhabo, Xaawo oo ka mid ah ururka haweenka Degmada Baydhabo iyo Muraayo oo ah gudoomiyaha haweenka Gobolka Baay.
Waxaa doodayaasha intii lagu guda jiray barnaamishka ay si qoto dheer u faaqideen doorka haweenka ay ku leeyihiin isdhexgalka Bulshada iyagoona diiradda saaray nabadayntam xalinta khilaafaadka gud iyo midka gaarka ah, amniga iyo dhaqanka.
Qodobka dhaqanka ayaa ahaa mid si aad ah ay uga doodeen waxaana ay sheegeen in uu yahay midka ugu daran, iyadoo Maryan iyo Muraayo qodobkaasi dhinacyo kala duwan iyagoo ka eegaya ay sheegeen in tusaale guurka oo kale haddii gabadha ama wiilka haddii ay guursadan qooysaska la takooro ay keenayso in reeraha ay ka dhasheen ay faquuqaan oo aysan ebedkood danbe aysan helaynin fursad ay ku soo dhexgalaan oo dib u soo celin karta wada noolaashihii qooyskooda.
Gaar ahaan Hooyo Muraayo ayaa intaasi ku sii dartay in qaasatan wiilka haddii u ka guursado qooys la liido ay noqonayso faquuqa meesha ka raaco mid xitaa fac ka fac ilmihiisa daba soconayaa oo waligood int uu farac ka danbeeyo lagu yiraahdo. “ kuwaasi waa kuwii laga dhalay reerkii aad ogayd oo sidaasna caruurtaas ay ku noqdaan kuwo cuqdad kula dhexnool bulshada”.
Ugu danbaybntii doodayaasha waxaa ay isla meel dhigeen in si guud looga shaqeeyo arimaha ku aadan isdhexgalka bulshada iyadoo lakala horaysiinayo oo sida ay u kala daranyihiin lookala qaado iyadoo si tartiib tartiib ah looga dhaadhicinayo bulshada in heebsooca iyo faquuqa uu yahay mid aan ku wanaagsanayn wada noo;aashaha iyo isdhexgalka bulshada.