Sideetan qoys barakacyaal ah isuguna jira dadka baahiyaha gaarka qaba ,waayeelo ayaa deeq bacaha roobka waxaa garsiiyay xubno katirsan xisbiga Tiir xafiiskiisa Baydhabo. Deeqdaan ayaa katimid maamulka sare ee Xisbiga oo uu hormuud kayahay Eng. Saalax Sheekh Cusmaan oo ah godomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada Tiir.
Dadka bacaha loo qeybiyey ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa ay ahaayeen kuwo uu saameeyay roobabka da’aya ee xiligaan Deerta oo kadhigay Kaamamka ay deganyihiin Barlacayaasha kuwo biyaha ay dhex degeen oo aqaladoodana biyaha dhex waranyihiin oo waaga ugu soo gaduuto sare jog.
Qaar kamid ah qooysaska bacaha loo qeybiyey ayaa ugu mahad celiyay Xisbiga Tiir misna ka codsaday xubnaha iyo Mas’uuliyiinta Xisbiga Tiir gargaar iyo garab istaag ay kaga caawinayaan dhammaan baahiyaha aas-aasiga u ah habsami u socodka nolosha bani’aadamka.
Wakiilada Xisbiga Tiir ee Baydhabo ayaa markii ay bacaha u qeeybiyeen barakacayaasha waxaa ay ka warbixiyeen sida ay ka Xisbi ahaan Tiir uga go’antahay Xubno iyo mas’uuliyiin u gurmashada Bulshada KGS, xiliyada ay soo wajahaan daruufaha dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn.
Roobabka da’aya ayaa ah kowo wata daadad meel ay ka soo rugmanayaan lagaraneynin haddanna dadka deggan xeroyinka barakacyasha ayaa waxaa ay yihiin kuwa dhibtaasi u dheertahay aqalada ay degan yihiin oo ah kowo aan celinaynin dhibicda roobabka da,aya oo kor iyo hoos guryaha ay ka soo galayaan, iyadoo aysan jirin cid kacaawinayso, iyadoona deeqdaan Xisbiga Tiir uu soo gaarsiiyey tahay tii ugu horaysay tan markii roobabka xiliga Deyrta dalka ay ka curteen.