Baydhabo Somaliya-WMN]-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed( Amar-dambe) ayaa maanta booqasho ku tegey degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa waxaa safarka uu ku tegey degmada Aw-dheegle ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada caafimaadka Dowlada federaalka, taliye xigeenka ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose.
Wafdiga uu horkacayay wasiirka gaashaandhigga ayaa waxaa ay la kulmeen saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Aw-Dheegle oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ciidamada dowlada kala wareegeen ururka Al-Shabaab.
Degmada Aw-Dheegle oo ah degmo caan ku ah waxsoo saarka beeraha ayaa lagu wadaa in laga hirgeliyo mashaariic horumarineed oo ay ka yihiin xarumo caafimaad,goobo waxbarasho iyo xarumo kale.