Baydhabo(WMN)_Al rahma organisation for education & development waa xarun wax lagu baro carruurta aqoonta ah iyo kuwa darta yare ee ku nool kaamamka ku yalaan Magalada Baydhabo gaar ahaan kaamamka xanaano too (TWO) xaruntaan al raxma ayaa wax yaabaha lagu baro carruurtaan waxay ka mid yihiin maadi, diini iyo xirfadaha gacanta sida sharqaanka iyo korontada.
Tirade carruurta ee wax kabartaan mu’asasada al raxma ayaa waxay garayaan ku dhawaad afar boqol oo arday ah kuwaasi oo iskugu jiraan wiilal iyo gabdho.
Wax barashada markii laga soo gudbo ardaydaan ayaa al raxma waxay kahelaan lacag, dharka madersada iyo rashiin kuwaasi oo ay ugu deqaa dad muxsaniin ah oo ay kasoo jedaan degaanada koonfur galbeed, waxayna ku nool yihiin dalka dibadiisa gar ahaan magalada meelboon.
Kudhawaad 150 qof oo kamid ah walidiinta carruurtooda ay dhigtaan mu’asasada al raxma ayaa maanta waxaa xarunta dhaxdeeda loogu qeybiyay rashiin oo ay iskugu jiraan’ bur’ bariis’sokor’ timir’ caano iyo saliid, waxayna kamid yihiin deeqda sadaqda ah oo mar waliba lasiyo carruurtaan aqoonta ah oo ay iska soo aruuriyeen dadka muxsiniinta ah ee gacanta ku hayaan mu’asasada Al rahma organisation for education & development.
Dadkii kafaa’ideystay rashiinkaani ayaa ugu mahadnaqey dadkii soo dhiibtay.
Halka Hoose Dhageyso Codka.