Si ay u dardar galiso howlaha caafimaad ee ay u baahan yihiin shacabka ku nool gobolada koonfur galbeed wasaarada caafimaadka dowlada goboleedka Kg ayaa waxay kulan wadatashi ah ay laqadatay xaruumaha caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahay ee ka howgalaan magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay.
Kulankaan wasaarada caafimaadka ee koonfur galbeed la yeelatay xaruumahaasi caafimaad ayaa waxay kala hadashay in ay ka qeyb qataan wacyi-galinta bulshada kg gaar ahaan kuwa Magaalada Baydhabo si looga hortago faafitaanka cudurka covir 19 oo si aad ah u sameyey aduunka.
Qaar kamid ah maamuliyaasha xaruumaha caafimaad ee sida gaarka ah ee loo leeyahay ayaa waxay soo jeediyeen in dhinacooda ka qeyb qaadan donaan wacyi-galinta iyo talooyinka loo baahan yahay in lasiyo shacabka, waxayna shegeen in ay sameyn donaan dhaqatiir iyo kalkaalisooyin ka qeyb qaadan.