Axmed Maxamed Cabdi oo ku magic dheer `Axmed Dooro` waxaa uu ku nool yahay Magaalada Baydhabo janaay waa qof leh xaas iyo caruur mudo in ku dhow 18 sano waxaa uu iibiya digaagdo waana kaliya shaqada uu ku mareeyo nolashiisa iyo mida reerka, wuxuuna sheegey in uu manta ku qanacsan yahay nalasha oo ku jiro iyo in uu iibiyo digaagadaha.
Sidee kale `Axmed Dooro` waxaa looga kenaa digaagadaha Degaano badan oo ka tirsan Degmada Baydhabo madaama uu yahay ganacsade sii iibgeeyo digaagadaha meelo badan oo ka mid ah Baydhabo.
Dhinaca kale Axmed Maxamed Cabdi Madaama uu yahay qof Magaalada Baydhabo ku iibinaayo 18 sano wuxuu leeyahay macaamiil fiican shaqsiyaad ama maqaaxiyaasha ku yalaan Magaalada Baydhabo iyagoo si yabooyin kale duwan ay ugu soo dalbadaan.
Axmed Maxamed oo kahadlaayey nolashiisa iyo iibinta digaagadaha ayaa wuxuu fariin u direy dhalinyarada ku nool Magaalada Baydhabo oo manta jeceyl in ay wax bartaan ama ay shaqeystaan gaar ahaan wuxuu ka Hadley dhalinyarada aada tahriibka in ay ka waantowaan.
BY: Siid Cali Muuse Ateera.