Baydhowy-{WMN}-Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa howlgallo xoogan waxaa ay ka sameeyeen xaafado katirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen falal amnidarro.
Howlgalka oo uu hoggaaminayay kusimaha Taliyaha qeybta Booliska Gobalka bari ahna Taliye Kuxigeenka qeybta Booliska Gaashaanle Dhexe Khaalid Maxamed Cabdirahman ( Ukun ) ayaa ujeedkiisu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, iyada oo dad farabadan lagu qab qatay.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay ku baadi goobayeen kuwa ka ganacsada Mukhadaraadka , Ciyaal weerada & kuwa falalka Amni darro ka geysta Magaalada Boosaaso.
Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaan ku sameynayay qaar ka mida hotelada, guryaha iyo gadiidka , waxaana badi howlgalka lagu qabqabtay dalinyaro lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab & Daacish.
kusimaha Taliyaha qeybta Booliska Gobalka bari ahna Taliye Kuxigeenka qeybta Booliska Gaashaanle Dhexe Khaalid Maxamed Cabdirahman ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabqabtay baaritaan lagu sameyn doono, isla markaana ciddii dambi lagu heli tallaabo laga qaadi doono.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa dhowr jeer dilal qorsheysan iyo dilal toos ah ka geystay Al-Shabaab & Daacish, waxaana sidoo kale ciidamada Puntaland dhankooda ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.