Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay xubin kaga noqoto golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Waxaa uu sheegay in uu gudbiyay Codsi ku aadan xubnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee ku aadan in Soomaaliya ay qaadato Kursiga hadda dowladda Kenya ay ku matalasho Afrika ee ay ka degayso marka laga gaaro Sanadka 2023.
Waxaa uu sheegay in hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey.
Soomaaliya ayaa loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay muda xilleedka 75-aad ee 2020/2021.
Abuukar Cusmaan Baalle oo ah safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa xilkaas loo doortay sida lagu shaaciyay bogga rasmiga ah ee ay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Mareykanka.