Cidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay weerarki kooxda Al-shabaab ay ku qaaden hotelka Elite ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Ku dhawaad 16 qof ayaa ku dhimatay hoteelka Elite ee ku yaalla xeebta Liido, waxaa sidoo kale halkaasi ku dhintay tiro kamid ah maleeshiyadi weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ku dhawacamay 13 qof.
Kooxda weerarka soo qaadday ayaa gaari walxyaha qarxa laga soo buuxiyay hoteelka u adeegsaday galabnimada Axadii kahor inta aysan dableeyda gudaha huteelka u gelin.
Hoteelkan oo goordhaw la dhisay waxaa leh nin xildhibaan ah waxaana goobtaasi badanaa jooga saraakiisha dowladda.
Goobjogayaasha ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho iyadoo dadka halkaasi ku sugnaana la arkayey iyagoo cararaya.
Ciidamada ammaanka ayaa gebi ahaanba xiray hoteelka waxayna rasaas isweydarsadeen raggii hubeysnaa ee gudaha huteelka ku sugnaa.
Afar saacadood kadib, Afhayeenka dowladda Ismaciil Mukhtar ayaa bartiisa twitterka soo dhigay in gebi ahaabna la soo gebagabeyay weerarka iyadoo raggii weerarka soo qadayna la dilay.
Ilaa hadda ma cadda tirada ragga weerarka ka qaybqaatay.
Weerarka waxaa ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha warfaafinta iyo Gaashaandhigga, waxaa halkaasi ku dhawacmay tiro kale oo dad ah.
Al-shabaab oo xiriir la leh ururka Al-qaacida ayaa weerarro culus ka geysanayay dalka somaaliya muddo tobban sano ah.
Kooxdan ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta Amisom waxay ka saaren Magaalada Muqdisho balse weli qaraxyo iyo dilal ayay ka geeystan magaalada caassimada.
Labadii bilood ee ugu dambeysay waxaa isasooo tarayay weerarada kooxdan ay ka geysanaysay magaalada Muqdisho.
Toddobaadkii la soo dhaafay is-rasaasayn u dhexeysay al-Shabab iyo saraakiisha amniga ee xabsiga Muqdisho ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof.
Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerar ku bilowday qarax gaari oo ka dhacay hotel Elite ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dad badan oo shacab ah oo ku sugnaa hotelka Eliite iyo kuwa wadada marayay ay wax ku noqdeen qaraxaasi iyo weerar ay Al-shabaab ay soo qaadeen, isagoona sheegay in 16 qof ay dhinteen, halka 13 qofna ay dhaawacmeen.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen Shan nin oo hubaysan, kuwaasi oo ahaa raggii weerarka soo qaaday.
Khasaaraha ugu badan ee weerarka hotel Elite ayaa waxaa uu ka soo gaaray dadka rayidka, kadib markii gaari ku qarxay agagaarka iridka hore ee laga galo hotelka.
Dadka weerarkaan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi iyo Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga XFS
Sidoo kale waxaa dadka ku dhaawacmay kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan.
Nawaaxiga xeebta Liido ayaa ah meelaha ay sida badan u aadaan dadka rayidka ah iyo shaqaalaha dawladda
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa War kasoo saaray Qarax iyo weerar toos ah oo weli ka socda Hotel lagu magacaabo Elite oo ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Qoraal lagu daabacay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxa iyo weerarka ka dhacay Muqdisho, iyagoo sheegay in ay la eegteen masuuliyiin iyo saraakiil ku sugneed gudaha Hotel-ka.
Weerar ku bilaawday Qarax gaari ayaa lagu qaaday Hotel Elite oo u dhaw xeebta Liido, waxaana jira in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen weerarka, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.