Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan kasameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose , isla markaasna ay ku burburiyeen saldhigyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.
Saraakiisha howgalka ayaa sheegay in howgallada ay ka fuliyeen degaanada Mubaarak, Daarusalaam, iyo Isoo-mareey oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Saraakiisha ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigo Al-Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo ku waasi oo ku yaalla deegaanka Mubaarik ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dhinaca kale, deegaanka Jilib Marko oo hoostaga magaalada Marka, ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ayaa ka sameeyay howlgal wadajir ah kaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab.