Midowga Afrika oo baaq deg deg ah u diray dowladda Ukraine written by Warsan Radio 10/06/2022 Madaxweynaha dalka Senegal oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall ayaa ku boorriyay dalka Ukraine inuu miinooyinka ku hareeraysan ka saaro dekeddooda Odesa si ay u fududaato in dekeddaas laga soo dhoofiyo haruurka iyo sarreenka ku xanniban ee aadka loogu baahan yahay.Duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynta ay reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka ayaa hakad gelisay sareenkii iyo haruurkii labadan dal ay soo saari jireen ee dunida loo iibgeyn jiray.Afrika, waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada, iyada oo qaaraddani ay tahay tan ugu saboolsan dunida, waxaana qiime kororka ugu wacan hoos u dhaca ku yimid sareenka iyo gallaydii ay debedda u dhoofin jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine.Madaxweynaha Senegal ayaa u sheegay telefishanka France 24 iyo RFI, in haddii aan si dhakhso ah dib loogu bilaabin in dalka Ukraine uu soo celiyo sarreenkii iyo haruurkii uu Afrika u soo dhoofin jiray, in qaaradda Afrika ay geli doonto xaalad gaajo iyo macaluul oo aad u daran oo khalkhal gelin karta xasiloonida qaaradda oo dhan. Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saari jiray 30% sarreenka dunida loo iibgeeyo.Laakiin waxaa haatan dekedaha Ukraine ku xanniban haruur la doonayey in debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay dawladda Ruushku ay qaadday tallaabooyin go’doomin ah, halka cunaqabataynta reer galbeedkuna ay hakisay dhoofintii sarreenka iyo haruurka ee dalka Ruushka. Midowga Afrika oo baaq deg deg ah u diray dowladda Ukraine was last modified: June 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen Nin Miino Aasayay next post Beesha caalamka oo war kasoo saartay qalalaasihii Hargaysa ka dhacay You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 26/03/2022 Qarax ayaa Goordhow ka dhacay Mgaaalada Baladweyne. 11/09/2022 Axmed Karaash Oo Xilakii Ka Qaaday Wasiiro Aad Ugu Dhawaa Madaxweyne Saciid Deni 05/05/2022 Guddoomiyihii gobolka Wajeer oo xil ka qaadis lagu sameeyay 18/05/2021 DHAGEYSO: Warka Subax ee Idaacada Warsan 16/04/2020 Dhegeyso:-Wasaarada Amniga Kgs oo ka hadashey Amni Darada Ka jirta Gobolka Shabeelaha Hoose 02/12/2017 Dhageyso Wareysi Xasaasi Ah Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba 28/06/2017 Mareykanka oo taageeray baaqii Cabdi Xaashi iyo Ayidaadii Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle 10/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 20/05/2021 Dhageyso: Masuulin Katirsan Dowlada Goboleedka Kg Oo Kahadleen Xaaladaha Xili Robeedkaani Ay Ku Nool Yihiin Barkacyaasha Degmada Baydhabo 26/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.