Beesha caalamka oo war kasoo saartay qalalaasihii Hargaysa ka dhacay written by Warsan Radio 10/06/2022 Waddamada Somaliland ka taageerada doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada, ayaa axsaabta iyo xukuumada ugu baaqay in ay isxakameeyaan, oo ay miiska wadahadalka kusoo noqdaan.Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen waddamada Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in saaxibada Somaliland ka taageera doorashooyinku ay aad uga walaacsanyihiin qalalaasihii Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii Khamiistii.“Saxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadaynta Somaliland, waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee maanta, waxaanu dhamaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo, oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado”.Waxay soo jeediyeen in si loo ilaaliyo, nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada, ay dhinacyadu kusoo laabtaan miiska wadahadalada, si layskula afgarto sidii hore loogu dhaqaaqi lahaa.“Si loo ilaaliyo nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada Somaliland waxa muhiim ah, in dhamaan dhinacyadu ka qayb qaataan wadahadalo wax ku ool ah, oo joogto ah, si is afragad looga gaadho sidii hore loogu sii socon lahaa”.Ilaa 10 qof ayaa dhaawacmay intaa in leegna xabsiga ayaa loo taxaabay, kadib markii ay Ciidamada Booliiska Somaliland xoog ku hor istaageen dad ay mucaaradku sheegeen in la siinayay tababar mudaharaad galinkii hore ee Khamiistii. Beesha caalamka oo war kasoo saartay qalalaasihii Hargaysa ka dhacay was last modified: June 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Midowga Afrika oo baaq deg deg ah u diray dowladda Ukraine next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 29/10/2022 Sacuudiga oo la wareegay hoggaanka howl-gal saameynaya Soomaaliya 20/08/2020 WASIIRKA CADAALADA IYO GARSOORKA OO XARIGA KA JAREY XAFIISYO CUSUB OO XUDUR LAGA HIRGALIYEY . 02/05/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 11/06/2022 Azerbaijan oo weerar culus ka fulisay Gudaha Armenia 15/10/2020 RW Rooble oo la kulmay madaxda Qatar 05/10/2021 Qaar ka mid ah Wasiirada Koonfur Galbeed oo Isbitaalka ku Booqday dhaawacyada Qaraxii maanta “SAWIRRO” 29/05/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 29/04/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 22/12/2020 Gudoomiyha golaha shacbka BFS oo khudbad ka jeediyey Shirka Baarlamanada Afrika ee ka socda dalka Koonfur Afrika 02/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.