Mareykanka oo gacanta ku dhigay Sarkaal katirsan Kooxda Daacish written by Warsan Radio 17/06/2022 Ciidamada Isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka ee Daacish. kaddib weerar habeen hore ka dhacay Waqooyiga dalka Siiriya.Wuxuu ahaa nin “khibrad u leh samaynta bambooyinka iyo fududeynta howlgallada”, ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Isbaheysiga.Saraakiisha ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in ninkaas lagu magacaabo Hani Axmed Al-Kurdi.Koox kormeer ah ayaa sheegtay in ciidamada labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah lagu geeyay magaalada Al-Humayra, oo ku dhow xudduud Turkiga ee gobolka Xalab ee mucaaradka ay maamulaan.Toddobo daqiiqo ayuu socday iska hor imaad hubaysan oo u dhaxeeyay ciidamada iyo dad ku sugnaa gudaha tuulada ka hor inta aysan duulin diyaaradaha qumaatiga u kaca, sida ay sheegtay kooxda la socota xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay Ingiriiska.Waxay intaas ku dartay inay markii dambe ka degeen saldhig ku yaalla gobolka Kobane ee bariga gobolka Xalab, halkaasoo ay maamulaan kooxaha fallaagada ah ee uu Turkigu taageero. Mareykanka oo gacanta ku dhigay Sarkaal katirsan Kooxda Daacish was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Nabaddoon Caan ahaa oo lagu dilay Gaalkacyo next post Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday degaan katirsan Gobolka Galgaduud You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 30/09/2021 DHAGEYSO:-BARNAMIJKA KULANKA WARSAN 04/07/2018 Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad 16/01/2023 Akhriso:-Xulka Faransiiska oo 4-3 ku dhuftay Xiddigihii Argenitna 30/06/2018 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 26/06/2022 VIDEO:-Degreeto Ka Soo Baxday M KGS Shariif Xasan Ayaa Lagu Magacaabay Guddoomiyaha ee Maxakamadda Sare 14/01/2018 War-murtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda Soomaaliya iyo dalalka safka hore 01/02/2023 Dhageeyso Godoomiya kuxigeenka Godiga Doorashooyinka Dadban ayaa Sheegay Inay soo gaba gabeeyeen Kaararkii aqoonsiga 1-11-2016 01/11/2016 Guddiga baaraya dhacdadii Xirsi Lugey oo la kulmay Cali Daahir Ciid 16/01/2021 Daawo Xoolalaydii aanu La ku Lanay Biyo Yeri Baahsan ayaa Laga Dareemaya Deegaano Katirsan Gobolka Bokool>> 17/12/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.