Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan written by Warsan Radio 17/06/2022 Bogga Golobal firepower oo sanad walba soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalamka ayaa cusboonaysiin ku sameeyay xogtii sanadkan oo meelaha qaar isbaddallo laga arki karo.Sida caadiga ahaydba, xagga sare ee liiskan, saddexda dal ee ugu awoodda badan militeriga adduunka waa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo sida ay magacyadooda u kala horreeyaan isugu xiga.Hase yeeshee, haddii aad eegto meesha ugu hoosaysa, waxaa kuu muuqanaya isbaddal aan horay looga baranin liiska.Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan saddexda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalamka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Kosovo iyo Bhutan.Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad oo kasii hoos maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu dambaysa ka galay liiska.Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo.Sida ku xusan xogta GlobalFirePower, Iceland waxa ay shacabkeeda ka heli kartaa 81,474 qof oo awood u leh inay militeri noqdaan. 48,070 ka mid ah dadkaas waxay xilli kasta diyaar u noqon karaan in loo qoro ciidanka qalabka sida. Sanad walba waxaa da’da militeriga soo gaara 1,779 ruux.Balse sidaasoo ay tahay Iceland ma laha ciidan dhisan oo militeri ah.Waxaase uu waddankan leeyahay nidaam difaaca hawada ah, ciidamo ilaalada xeebta u qaabilsan, boolis iyo ciidamada maamulka.Militeriga Iceland lama dhisin tan iyo sanadkii 1869-kii balse waddankan waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO ee ugu awoodda badan caalamka. Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb next post Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii ugu dambeeyay You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 23/04/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/08/2021 Olole dhiig bixin ah oo ka socda Magaalada Muqdisho 30/10/2022 Qarax lagu soo raray Gaari-dameer oo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Kenya 19/01/2024 DHAGEEYSO:-AKHRISO:-Wareysi Gudoomiyaha Gudiga Doorashoyinka Dadban K G S Maxamed abdulahi mursal 07/12/2016 Deni oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay RW Hore ee Soomaaliya 22/01/2024 Dhageyso:- Warka Galab ee Idaacada Warsan 15/02/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 19/01/2017 Akhriso:- Wasiir Xoosh “Mooshinka Jawaari 10-ka beri waxay ka bilaabataa maalinta la horgeeyo Golaha” 30/03/2018 Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay duleedka Baraawe 12/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.