Ciidanka dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab written by Warsan Radio 17/06/2022 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Matabaan Maxaas iyo Beledweyne.Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay) ayay Ciidamadu kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd Ururka Al-Shabaab sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha.Boqolaal kamid ah Ciidanka xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaanno Macawiisleeyda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saakay lagu arkay deegaanno dhaca waqooyiga Beledweyne.Dhinaca kale ciidanka dowladda iyo ciidamada Macawiisleeyda ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Bacda ee ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus waloow weli si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii dhawaan Al-Shabaab ay isku ballaariyeen deegaanno u dhaxeeyay Beledweyne Matabaan iyo Maxaas taasi oo keentay in maamulka Gobolka Hiiraan iyo ciidanka xoogga dalka ay bilaabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. Ciidanka dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii ugu dambeeyay next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Guddiga Doorashada Hirshabeelle Oo Goor Dhow Doortay Guddoomiye Cusub 20/03/2022 Inkabadan 50 Ruux Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Masjid Ku Yaal Dalka Afghanistan 09/10/2021 Mahad Salaad oo kusoo noqday Golaha Shacabka 17/02/2022 Xog sirdoon soo shaacisay qorshe dagaal horseedi kara oo loo degay Shiinaha 08/05/2020 Madaxweyne Lafta Gareen oo Baydhaba uga dhawaaqay gogosha madaxda DF iyo Dowlad goboleedyada 10/06/2020 Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Masar oo Kuwait ku Geeriyooday 10/05/2020 Sawiro: Masuulin Katirsan Wasaarada Waxbarashada KG Oo Kormereen Iskuulada Qaar Ee Magalada Baydhabo. 06/01/2020 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo war kasoo saaray qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo 29/07/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 06/06/2020 JILIB: FAAH FAAHIN WEERAR LAGU DILEY WAALIGA ALSHAAB EE JILIB. 02/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.