Maxamed Bin Salmaan oo booqasho deg deg ah ku tagaya dalka Turkiga written by Warsan Radio 19/06/2022 Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa Maalintii Isniin aheyd booqasho gobolka ah ay uga billaabatay Masar, isaga oo sidoo kale tagi doona dalka Turkiga oo uu dublumaasi Sacuudi ah ku sheegay in lagu xoojin doono xiriirka dalalka gobolka.Dublumaasiga ayaa sheegay in booqashada Qaahira ka dib uu Amiir Maxamed booqan doono dalka Urdun ka dibna uu u sii gudbi doona Turkiga.Inta uu booqashadan ku jiro ayuu kala hadli doonaa “arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee mustaqbalka” isaga oo intaa ku daray in heshiisyo maalgashi iyo tamarta ah ay kala saxiixan doonaan.Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Amiir Maxamed uu 22-ka bishan June booqan doono Turkey.Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu horreysay ee uu ku tagto Turkiga tan iyo dilkii foosha xumaa ee gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay Jamal Khashoggi, dilkaasi oo argagax ku abuuray caalamka, dhaawac xoogganna u geystay xiriirka labadan dal.Booqashadan, oo daba socota mid uu Erdogan bishii April ku tagay Sacuudiga, ayaa sii xoojineysa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka labada dal.Diblumaasi Sacuudi ah ayaa sheegay in Amiir Maxamed sidoo kale la filayo in uu booqdo Greece, Qubrus iyo Aljeeriya, “dabayaaqada bisha July.”Dowladda Sacuudiga ayaan weli xaqiijin safarrada uu Dhaxal-sugaha dalkaasi ku kala bixin doono dalalkaasi. Maxamed Bin Salmaan oo booqasho deg deg ah ku tagaya dalka Turkiga was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo wada kulamo uu codka kalsoonida uga raadinayo Xildhibaannada You may also like Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington Uga Qeyb Galaya Shirka Sannadlaha Ah ee Bangiga Iyo Hey’adda Lacagta Adduunka 17/10/2019 Dhageyso:-Warka Caawa ee Idaacada Warsan 25/11/2021 James Swan Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Jira Doorashada Farriina Diray 24/01/2021 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalaada Dhuusamareeb 09/07/2020 Gudoomiye ku xugeenka Maamulka iyo Maaliyada Degmada Walaweyn ayaa ka warbixiyey xalada dagaalkii beelaha 26/10/2022 Dhageyso: Barnaamijka Haweenka Idaacada Warsan 14/07/2023 Akhriso:-Guddiga CaawinQaran oo ku dhawaaqay cadadka lacagaha loogu deeqay ciyaartooyda 17 jirrada Somalia 10/05/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 09/11/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 26/06/2020 Dhageyso:-qaar kamid ah barakacayaasha kunool duleedka baydhabo oo ka hadlay dhibaato loo gaystay. 24/11/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.