Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Booliska Adduunka oo Maanta furmaya written by Warsan Radio 19/06/2022 Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa gaaray Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika kaas oo ka dhici doona Magaaladda Adis-Ababa.Janeraal Xijaar ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Ethiopia Gen. Demelash Gebremicheal maadaama Ethiopia ay la wareegeyso hoggaanka (EAPCO) East Africa Police Chiefs Organisation.Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Shirka, isaga oo kaga hadli doona xaaladda Amni ee Soomaaliya, howlgallada ay sameeyaan Ciidamada Booliska & wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidamada Booliska kale ee dalalka Afrika.Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Saraakiisha kasoo qeyb gasha shirkaas, isaga oo kala hadli doona dib u dhiska iyo horumarinta Ciidamada Booliska Soomaaliya. Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Booliska Adduunka oo Maanta furmaya was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo wada kulamo uu codka kalsoonida uga raadinayo Xildhibaannada next post Midowga Afrika oo ku baaqay in la sameeyo qorsho looga hortagayo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya You may also like Wasiir Qorshaynta X.F.S “ waa in aan dar dargalinnaa Fulinta waajibaadka naloo igmaday” 08/11/2020 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilalkii ka qaaday Wasiiro kuwo kalena Magacaabay 08/08/2021 Ciidamada Ruushka oo gantaallo ku garaacay Warshadda birta Azovstal 03/05/2022 Shil diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha Muqdisho 26/12/2022 Khilaaf soo kala dhexgalay Wasiirka Cadaaladda & Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa 13/12/2021 Xoghayaha dhinaca saxaafadda ee Aqalka cad oo laga helay Corona Virus 06/10/2020 Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka 01/06/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 01/06/2021 Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Cabdullaahi Shirwac 29/05/2022 Xasan Sheekh, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo ku horeeyay cododka wareega 1aad 08/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.