Midowga Afrika oo ku baaqay in la sameeyo qorsho looga hortagayo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya written by Warsan Radio 19/06/2022 Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku baaqay dadaallo wadajir ah oo ay sameeyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso iyo bulshada deegaanka si looga hortago khatarta ka imanaysa walxaha qarxa ee ka dhaca dalka Soomaaliya.Taliyaha Ciidanka ATMIS ayaa sheegay in khatarta ka imanaysa qaraxyada ay waajib ku tahay howlgalka iyo la-hawlgalayaasheeda si ay ula yimaadaan tillaabooyin cusub oo ka hortagga qaraxyada.“Si loo yareeyo khatartaqaraxyada waxay u baahan doontaa Saraakiisha militariga ee ku lug leh maamulada Soomaaliya iyo la shaqeynta bulshada, xoojinta dowladnimada, iyo taageeridda dadaallada xasilinta,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray ka dib markii uu dhammaaday shir saddex maalmood ka socday Muqdisho .Shirkan oo ay ka soo qayb galeen saraakiil sarsare oo ka kala socday ATMIS, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxka qabashada Miinada iyo daneeyayaasha muhiimka ah ayaa qiimayn ku sameeyay tallaabooyinka hadda la qaadayo ee lagaga hortagayo qaraxyada si loo sameeyo istaraatiijiyad dhamaystiran oo lagaga hortagayo khatarta qaraxyada.Ndegeya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qiimeeyo hab-dhaqanka iyo howlgallada , iyadoo la eegayo xal u helida caqabadaha ka dhalan kara qaraxyada.Waxa uu sheegay in inkasta oo ay jiraan dadaallo ay UNMAS ku doonayso in ay kor ugu qaaddo awoodda ka-hortagga qaraxyada ee howlgalka iyada oo loo marayo tababbarka, la-talinta, iyo taageerada qalabka, qaraxayada.Soomaaliya ayaa waxaa ku badan qaraxyada miino ee meelaha fogfog laga hago, kuwa Gawaarida iyo kuwa ay isku soo xiraan dadka naftooda haliga eebis qarxiya, waxaana dowladaha dalka soo maray aysan ku guuleysan inay waxka qabtaan. Midowga Afrika oo ku baaqay in la sameeyo qorsho looga hortagayo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Booliska Adduunka oo Maanta furmaya next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Midowga Afrika oo si adag uga hadlay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliya 19/02/2024 Madaxweynaha Puntland oo ku eedeyay DFS in ay hurinayso colaado ka dhaca Somaliland. 25/05/2020 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo iclaamiyay banaanbax weyn oo berri ka dhici doona Muqdisho 17/10/2017 Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran 01/09/2020 Ciidamada dowladda Soomaaliya oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab 13/09/2022 Abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaawday Koonfur Galbeed 09/10/2023 Ku dhawaad 200 oo Tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay Xeebta Calais 03/12/2023 Guddoomiye Cumar Filish oo kulan la qaatay Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya+(Sawirro) 28/09/2020 Qoraa U Dhashay Dalka Tanzania Oo Ku Guuleystey Abaalmarinta Suugaanta 08/10/2021 Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Laas-Caanood 18/05/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.