Madaxweyne Xasan Sheekh oo Farriin u diray shacabka Soomaaliyeed written by Warsan Radio 08/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey maalmaha barakaysan ee ciidda Carafo oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka.Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda dhibaateysan.Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan kan xiga ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isaga oo kula dardaarmay in ay gacmaha isqabsadaan, qalbiyadana isu furaan.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey maalmaha barakaysan ee ciidda Carafo oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka.Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda dhibaateysan.Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan kan xiga ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isaga oo kula dardaarmay in ay gacmaha isqabsadaan, qalbiyadana isu furaan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Farriin u diray shacabka Soomaaliyeed was last modified: July 8th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan next post Guddoonka baarlamaanka oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeedd in la caawiyo dadka danyarta ah You may also like Dawladda Soomaaliya oo ka digtay fatahaado iyo dabeylo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka 05/08/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/10/2021 LAAMAHA AMAANKA PUNTLAND IYO GALMUDUG OO HAWLGAL WADAJIR AH KA FULIYAY GAALKACYO 08/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/04/2019 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan. 19/06/2020 Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 19 katirsan Al-Shabaab 07/10/2022 Hay’ad baaq deg deg ah kasoo saartay Macalimiin u xiran Iiraan 08/05/2022 Sawirro:-Dowladda Somalia oo Hirgelisay Xarunta xiriirka COVID-19 19/04/2020 Faahfaahin Nabadoon lagu dilay Afgooye. 20/10/2019 Dhageyso: Barnaaijka Kulanka Warsan 24/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.