Guddoonka baarlamaanka oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeedd in la caawiyo dadka danyarta ah written by Warsan Radio 09/07/2022 Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu ugu hambalyaynayaa shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta barakaysan ee Ciidda Carafo sanadka 1443Hijriga.Guddoomiyaha ayaa ugu baaqayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo ay garab istaagaan walaalohooda danyarta ah, ee aan heli karin wax ay ku ciidaan; si ay farxadda ula dareemaan walaalahooda kale ee Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta adduunka.Gudoomiye Cabdi Xaashi wuxuu Alle SWT uga baryay shacabka Soomaaliyeed in ay helaan oo ay ku nagaadaan nabad, barwaaqo, horumar iyo caafimaad.Dhanka kale Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa hambalyo u diray dhammaan bulshada Soomaaliyeed.Warsaxaafadeedka ayaa siddaan u qornaa:Waxaan hambalyo udirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carrafo.Alle waxaan ka baryayaa in uu naga aqbalo acmaaasha xajka, sidoo kalena noo aqbalo ducada dhammaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan nasiibka u helay in ay gutaan acmaasha Xajka.Anigoo Ka faaideysanaya fursadaan qiimaha badan ee farxadda Ciidda Carafo waxaan dadka Soomaaliyeed usoo jeedinnayaa in ay gacan ka geystaan farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan iyo in la garab istaago.Sidoo kale waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna.Ugu danbayntii, waxaan Alle ka baryayaa in uu Ciiddaan Ciiddeeda inagu gaarsiiyo dalkeena oo nabad ah, barwaaqo ah iyo dadkeena oo heshiis ah. Guddoonka baarlamaanka oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeedd in la caawiyo dadka danyarta ah was last modified: July 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Farriin u diray shacabka Soomaaliyeed next post Xamse oo ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen You may also like Sheekh Shariif oo fariin u diray Farmaajo “Doorasho kaligaa aad ogtahay oo aad miiska soo saareyso ma shaqeyneyso” 03/07/2020 Khasaare ka dhashay Madaafiic lagu garaaca xaafado ku dhow Villa Somalia 01/09/2022 Dad ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoon ay ka socotay Cyaar koobka Qaramada Afrika 25/01/2022 Dhageyso;- Barnaamijka Hampalyada Iyo Salaamha ee Idaacada Warsan 16/09/2022 Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac 08/10/2022 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta xilka kala wareegaya Farmaajo 23/05/2022 Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 05/10/2022 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 25/01/2017 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/07/2021 Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Magaalada Hargeysa 14/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.