Al-Shabaab oo weeraray degaanka Janaale iyo dagaal ka dhacay written by Warsan Radio 14/07/2022 Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya kuleeyihiin degaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leyska adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.Saraakiil katirsan Ciidanka Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo ka dhacay degaanka Janaale.Sidoo kale saraakiisha ayaa degaanka Janaale kusoo bandhigay meydka hal Xubin oo katirsan Al-Shabaab, kaas oo dagaalka lagu dilay.Taliyaha ururka 83-aad ee October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howdka degaanka Janaale ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dagaalamayaal kayirsan Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan. Al-Shabaab oo weeraray degaanka Janaale iyo dagaal ka dhacay was last modified: July 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Radio Warsan next post Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka Kenya You may also like Akhriso:-Maraykanka oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Saldhigga weeen ee Beled-doogle 30/09/2019 Dhageyso+Sawiro:-Saameynta ay ku leedahay shaqaaleysinta Caruurta (Gabdhaha) ee Bulshada dhexdeeda 30/11/2020 DAAWO: Sida ay u dhacday Magacaabida R/wasaaraha Cusub iyo Sababta uu Madaxweyne Farmaajo ku doortay video 23/02/2017 DHAGEYSO: CASHARKII 26AAD EE TAFSIIRKA QUR’AANKA KARIIMKA EE SH. XASAN GAAB 09/01/2018 Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyey Xaafado ka tirsan Beledweyne 04/05/2020 Ciidamada dowladda Soomaaliya oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab 13/09/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 29/09/2020 Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo agab caafimaad keenay Muqdisho (SAWIRRO) 18/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/04/2021 AKHRISO:-Guddiga Dib u fiirin iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo kalsoonida kala noqday Wasiir Xoosh 05/03/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.