Dowladda Kuwait oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Magaalada jowhar written by Warsan Radio 18/07/2022 Wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa cambaareysay qaraxii gaari ee shalay lagu weeraray hotel ku yaalla magaalada Jowhar oo ay inta badan tagaan mas’uuliyiinta Hirshabeelle.War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaraddu waxa ay ku nuuxnuuxsatay mowqifka Kuwait ee kadhanka ah rabshadaha iyo waxa loogu yeero argagixisada.Waxay sidoo kale ku celisay baaqeeda beesha caalamka inay xoojiyaan dadaallada wax looga qabanayo dhacdooyinka qatarta ah iyo weerarada ka imaanaya Ururka Al-Shabaab.Kuwait oo hadalkeeda sii wadata ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay wehliyaan qoysaskii dadkii ku dhintay qaraxaasi, waxayna u rajeysay kuwii ku dhaawacmay inay si degdeg ah u bogsadaan.Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay, 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa kadib markii gaariga qarxay lagu dhuftay afaafka hore ee Hotelka caanka ah ee lagu magacaabo Nuur-doob, oo ku dheggan madaxtooyada.Wasiirka Haweenka Hirshabeelle Caasho Khaliif Xaaji, Wasiirka Caafimaadka Cabdi Macallin iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxaana mas’uliyadiisa sheegtay Al-Shabaab. Dowladda Kuwait oo cambaareysay qaraxii ka dhacay Magaalada jowhar was last modified: July 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS & khasaaro ka dhashay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee RAdio Warsan You may also like Ururka XIZBULLAHI ‘oo soo ridday’ diyaarad ay leedahay Israel 23/08/2020 Turkiga oo ku dhawaaqay howlgal cusub oo ka dhan ah argagixisada 24/05/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 02/11/2020 Guddoomiye gollaha shacbka Oo Ka tacsiyeye Geeri ku timid Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Shacabka BFS 20/09/2022 Dhageyso:-Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 09/03/2022 Dhageyso:- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 23/08/2022 Dhageyso:-Dersigii2aad Sh. Hassan Gaab Casharka Diini ah OO Ku Saabsan Zakaatulfidriga 22/06/2017 Silvia Romano oo shaacisay in ay qaadatay diinta Islaamka, 11/05/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 10/11/2022 Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka guddida xalinta khilaafadka oo kusoo wajahan Baydhabo 15/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.