Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari written by Warsan Radio 19/07/2022 Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay inta u dhexaysa Tuulooyinka laas Barwaaqo iyo Kunaso oo hoostaga Degmada Carmo Ee Gobolka Bari.Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Hoomeey ah iyo Gaari kale oo nooca raaxada ah, waxaana shilkaasi Isbitaalka Magaalada Carmo ugu dhintay hal ruux oo dhaawac culus uu kasoo gaaray shilka halka 6 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Goobta shilka uu ka dhacay ay tageen Ciidamada Booliska degmada Carmo iyo dad Shacab ah, kuwaas oo u gurmaday dadka Shilka ku dhaawacmay, iyaga oo geeyay Isbitaalka Magaalada Carmo ee Gobolka Bari.labada Gaari ee shilka galay oo mid ka yimid dhinaca Magaaalada Boosaaso midna uu kusii jeeday Magaalada Boosaaso ayaa waxaa gaaray burbur xoogan maadaama si awood ah ay isugu dhaceen.labadii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland kubatay shilalka Gaari, iyada oo ay ku dhinteen dad u badan Dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood u Shaqeeynayay dowlad Goboleedka Puntland. Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari was last modified: July 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu la beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab next post laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Askari ku eedeysan dilka taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug You may also like Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika 25/05/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/12/2020 Dhageyso:-barnaamijka kulanka warsan caawa waxaa idiinla socsiinayey wariye aadan geeseey . 22/08/2016 Dood ku saabsan qoondada haweenka iyo uqareemida 30%+Sawiro 28/09/2021 Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Toogashada Ka Dhacday Mareykanka 23/01/2023 Akhriso:-Qarax ka dhacay Paris oo geystey dhimasho iyo dhaawac 12/01/2019 Dhageyso:- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 21/08/2022 Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Albashiir oo maanta la maxkamadeynayo 21/07/2020 Dhageyso:-Qeybta 7 aad ee Barnaamijka Beeraha 06/11/2020 20 qof oo lagu dilay Duqeyn Diyaaradeed 09/07/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.