Dowladda Turkiga & qaar kamid ah dalalka Carbeed oo ka hadlay qaraxyadii Soobe written by Warsan Radio 30/10/2022 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa kulamo doceedyo kula yeeshay Caasimadda Algiers intii uu socday kulanka loogu gogol-xaarayay Shir madaxeedka Carbeed ee 31aad, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, Fuad Hussein, iyo qaar kale oo dhiggiisa ah, oo ay ka midyihiin, Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Suudaan, Amb. Ali Al-Sadiq Ali, Liibiya Dr. Najla Elmangoush, Falastiin Dr. Riyad Al-Malki, iyo Sheikh Khalifa bin Ali Al-Harthy oo ah Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Saldanadda Cumaan u qaabilsan Arrimaha Diblomaasiyadda.Kulamadaasi ayaa loogaga hadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha lagu xoojin karo, iyada oo qaar kamid ah mas’uuliyiinta dalalka Carbeed ay ballan qaadeen in dalalkooda ay ku daweyn doonaan qaar kamid ah qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.Wasiiradaasi iyo Mas’uuliyiinta Carbeed ee ka qeybgalay kulanka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dhibanayaasha weerarii lagu beegsaday dhismaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ku yaalla agagaarka Isgoyska mashquulka badan ee loo yaqaan Soobe ee Caasimadda Muqdisho, iyaga oo u rajeeyay dhammaan dadka ku dhaawacmay caafimaad-qab iyo bogsasho degdeg ah, waxa ayna caddeeyeen inay garabtaaganyihiin Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed.Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa cambaareysay qaraxyadii is xigxigay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdiso, kuwaas oo dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen, Saraakiil Ciidan, mas’uuliyiin dowladeed iyo dad Shacab ah oo aad u farabadan.“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxisada ah, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo sidoo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah ayaa lagu yiri” Warka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. Dowladda Turkiga & qaar kamid ah dalalka Carbeed oo ka hadlay qaraxyadii Soobe was last modified: October 30th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xukuumada Somalia oo sheegtay in dhaawacyada Caafimaad dibadda ah loo qaadi doono next post Magaalooyinka Shiinaha ayaa ku dhiiraday mowjadda shaqaalaha Foxconn ee COVID-ku dhuftay Zhengzhou You may also like Wadanka Kuuriyada Waqooyi oo digniin culus u dirtay Mareykanka 11/06/2020 Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeyay dilka dad rayad ah 16/08/2023 Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degaan ka tirsan Gobalka Gedo 07/07/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 29/10/2022 Dhageyso;-Fariin ku saabsan dhoowrista Deegaanka iyo Duur-joogta DGKGS 08/07/2022 Amiirka Urdun Hamzah oo saxiixay warqad cadeyneysa inuu daacad u yahay Boqorka 06/04/2021 Adeegga Internet-ka oo Saacado ka maqnaa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya 07/06/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 03/03/2017 Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Midowga Yurub kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab & fatahaadaha 18/05/2023 Akhriso:-Wazaarada Amniga DF oo sheegatay jirdilka iyo Xariga loogeestay Musharax Mukhtaar Rooboow 13/12/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.