Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar oo laba garab u kala jabay written by Warsan Radio 27/11/2022 Waxaa sii xoogaysanaya xiisadda ka dhex aloosantay sanadihii ugu dambeeyay kooxo ka wada tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ku kala sugan Istanbul iyo London, waxaana khilaafkoodu uu salka ku hayaa qaab dhismeedka hoggaanka Ururka.Wixii ka dambeyay markii ciidamada Masar ay la wareegeen awoodda Masar sanadkii 2013, dhibaatooyinkii lagala kulmay hoggaanka ururka ayaa horseeday inay soo baxaan laba garab oo kala duwan, oo Turkiga iyo Ingiriiska ku kala sugan.Kadib markii mid ka mid ah madaxda ururka oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Muniir uu ku geeriyooday magaalada London ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay loolanka ka dhaxeeya labada garab.Arrintaan ayaa calaamad u ah in ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta siyaasadeed ee ugu weyn adduunka, uu kala jabay.Ururka Ikhwaanul Muslimiin waa urur leh taariikh 94 sano ah. Ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxaa la aasaasay sanadkii 1928-kii waxaana aasaasay macalinkii dugsiga hoose ee Xasan al-Bannah. Sanadihii la soo dhaafay ururku wuxuu awood weyn ku yeeshay Masar iyaga oo gacan ka helaya dadweynaha. Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar oo laba garab u kala jabay was last modified: November 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Booliska Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysatay You may also like Akhriso:-Dayax Madoobaadka Sanadkan 2019 Xiliyada ay dhacaayaan oo lashaaciyay 20/01/2019 Golaha Wasiirada Oo Cambaareeyay Isku Daygii Afgambi Ee Lagu Qaaday Xafiiska RW Rooble 31/12/2021 Dhageyso:-Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulaahi (Dr. Go) oo ka hadlay Kalfadhigii B.F.S sababtii uu u baaqday. 11/09/2017 Puntland oo ku dhawaaqday in la karantiilay dad looga shakiyay Coronavirus 23/04/2020 Akhriso;-Dagaal 5 ruux ay ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Galgaduud 21/07/2017 Shariif Sheekh Axmed iyo Cali Guudlaawe oo Heshiis Beeleed kusoo Gaba-gabeeyay Sh/dhexe 14/08/2023 Dhageyso:- Barnaamijka Arimaha Caalamka 29/11/2021 Dhimasho & dhaawac oo ka dhashay shil ka dhacay Muqdisho 03/06/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 29/04/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 27/09/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.