Dagaal ka socda degaano hoostaga Magaalada Beledweyne written by Warsan Radio 13/01/2023 Wararka naga soo gaaraya degaano hoostaga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo Xubno katirsan Ururka Al-ShabaabDagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ay weerar ku qaadeen degaannada Tabantaab iyo Maxamed Xasan oo Beledweyne hoostaga isla markaana dhaca Koonfurta Beledweyne.Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay inay ka warheleen in Xubno katirsan Al-Shabaab oo kasoo gudbay dhinaca Wabiga ay degaannadas isku aruursanayaan si ay weeraro u fuliyaan balse ay iyagu weerareen.Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Diini Maxamed oo kamid ah mas’uuliyiinta hoggaaminayo howlgallada ayaa sheegay inay khasaaro xoogan weerarka ku gaarsiiyeen A-Shabaab, sidoo kalena degaannada lagu dagaalamay ay soo gaari doonaan Ciidamo kale oo gurmad ah.Wararka laga helayo degaannada Tabantaab iyo Maxamed Xasan ee Koonfurta magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu weli socdo. Isla markaana dhinacyada ay helyaan gurmadyo kala duwan oo u imaanaya. Dagaal ka socda degaano hoostaga Magaalada Beledweyne was last modified: January 13th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like DHAGEYSO:- XILBAAAN AFARAALE OO WAX LAGA XUMAADA KU TILMAAMAY KA BIXITAABKA CIIDAMADA ITOBIYA DEGMADA TIYEGLOOW 27/10/2016 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 29/09/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/04/2021 Faafaahin laga helaayo Qarax Ka Dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose 17/06/2020 Shacabka magaaladda Beledweyne oo wajahaya xaalado adag 07/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/08/2021 Akhriso:-Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan isfahamka dhex maray Soomaaliya iyo Kenya 16/11/2019 Ku dhawaad 50 qof oo Rayid ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Ukraine 06/10/2023 Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 19 katirsan Al-Shabaab 07/10/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.