Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay xasilinta degaannada laga saaray Al-Shabaab written by Warsan Radio 03/07/2023 Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya kulan gaar ah ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka ATMIS iyo Taliyaha Booliska ATMIS.Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga wada hadlay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta ee ka socda deegaannada cusub ee dhowaan la xureeyay ururka Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla Gobolada dalka Soomaaliya.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay Madaxda howlgalka ATMIS taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo ka caawinta dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.Dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in Ciidamada ATMIS ay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa Ciidamada dowladda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.Soomaaliya ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamo kumanaan gaaraya oo ka socda qaar kamid ah wadamada Afrika, iyaga o ku howlgallka Magaca ATMIS, kana taageera dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay xasilinta degaannada laga saaray Al-Shabaab was last modified: July 3rd, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Bandhiga Idaacada Warsan next post Kulamo xal loogu raadinayo khilaafka Deni iyo mucaaradka oo billaanaya You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka warsan 26/09/2018 Faah faahin: Weerar lagu dilay dad dukaameysanayay 04/07/2022 Akhriso:-Warbixin Hal Sano oo ka soo wareegatay dilkii Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Xukuumadda Kheeyre 04/05/2018 Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo baaq u diray Musharraxiinta xilka Madaxweynaha 14/05/2022 Ciidanka NISA oo sheegay inay dileen Xubno katirsan Al-Shabaab 08/05/2022 Video:-Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale Maxakamad la fuulaayo Qaarka Mid Ah Xildhibaanada KGS. 01/09/2017 Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo noqday 06/10/2021 Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah faahino laga helayo 26/09/2022 Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar iyo faah faahin laga helayo 26/07/2023 Midowga Yurub oo uga dhawaaqay Muqdisho mashaariic ay ku kacayso lacago fara badan 27/04/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.