(WRB)Maamulka Khaatumo ayaa si kulul uga hadlay colaada u dhaxeeysa maamulada Puntland iyo Somaliland ee ka taagan deegaanada iyo iyo degmooyinka ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag.
Wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Khaatuma oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo sidoo kale Somaliland ay kusoo xad gudbeen dhulka Maamulka Khaatuma ayna bilaabeen in ay ku dul dagaalamaan shacabka kunool gobolada Sool iyo Sanaag.
Axmed Xaaji Wasiirka Warfaafinta maamulka Khaatumo ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo Somaliland looga baahanyahay in ay iska ka baxaan dhulka hoos yimaada deegaanka maamulka Khaatumo , hadii kale maamulka Khaatuma uu qaadi doono tilaabo ku haboon.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa maamulada Puntland iyo Somaaliland , waxa ay ka taagneyd deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag.