
Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (KGS) ayaa soo bandhigtay 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab , kuwaasoo isku soo dhiibay ciidamada ammaanka.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, xubnahaan ayaa si iskood ah isu soo dhiibay, iyagoo ka faa’iideysanaya cafiska dowladda. Waxaana lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo, halkaas oo saraakiisha ammaanku ay ku xaqiijiyeen in baaritaanno dheeraad ah lagu sameynayo.
Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda Koonfur Galbeed ku xoojinayso dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, iyadoo horey loogu guuleystay in la wiiqo awooddooda deegaanada maamulka.
Dhamaan isasoo dhiibayaashan oo ka kala tirsana qeybaha Al-shabaab ayaa isku soo dhiibey NISA kadib markey fahmeen xanuunka ay leedahay dhibaateynta shacabka iyo dagaalada lagu afjaraayo Al-shabaab
Maamulka KGS ayaa ugu baaqay xubnaha kale ee wali ku dhex jira kooxdaas inay ka faa’iideystaan fursadda cafiska, si ay dib ugu soo laabtaan nolol caadi ah.