
Sida ay qortay shabakada Semafor ee fadhigeedu uu yahay New York Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka ugu yaboohday in uu la wareego maamulka dekedo istiraatiiji ah ah oo ku yaalla Gacanka Cadmeed, gaar ahaan kuwa ku yaalla Somaliland iyo Puntland.
Sida ay shabakaddu sheegtay, DFS waxay tallaabadan uga golleedahay laba arrin oo waaweyn:-
Ka Hortagga Aqoonsi Caalami ah oo Somaliland Hesha: Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay aad u daneynayey xidhiidhka Somaliland, iyadoo dhowaan uu wargeyska Financial Times sheegay in Washington ay la gorgortamaysay maamulka Somaliland si ay saldhig milatari uga hesho magaalada Berbera. Tani waxay DFS u aragtaa khatar toos ah oo horseedi karta aqoonsi caalami ah oo Somaliland hesho.
Ka Hortagga Saldhigyo Shisheeye oo laga hirgaliyo Xeebaha Soomaaliya:Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Donald Trump 16-kii bishan, oo ay Semafor sheegtay in ay aragtay, ayuu Madaxweynuhu Trump kaga codsaday in uu la wareego maamulka dekedaha ku yaalla Gacanka Cadmeed.
“Arrintani waxay Washington siinaysaa fursad ay ku maamusho waddooyinka muhiimka ah” ayaa lagu yidhi waraaqda sida Semafor qortay.
Semafor waxa ay xustay in dekedaha ay Soomaaliya siinayso Maraykanka ay yihiin Dekedda Berbera, oo leh madaar ciidan, iyo Dekedda Boosaaso oo madaar, balse aanay Dowladda Soomaaliya wax maamul ah ku lahayn labadan goobood ee ku yaalla Gacanka Cadmeed.
Tallaabadan ayaa Maraykanka u ogolaan karta inuu si rasmi ah u dhiso hawlgallo sirdoon oo joogto ah oo lagula socdo dhaq-dhaqaaqa hubka ee gobolka xasilloonida darani ka jirto, iyadoo sidoo kale la eegi karo dhaqdhaqaaqa Shiinaha ee gobolka.
Dhanka kale Danjire J. Peter Pham, oo hore Maraykanka ugu qaabilsanaa gobolo ka tirsan Afrika, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dekedo u soo bandhigto Maraykanka.
Pham, oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow Madaxweyne Trump, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X wax lala yaabo ku tilmaamay dekedaha la sheegay in Soomaaliya ay u soo bandhigtay Washington si ay uga hortagto aqoonsiga Somaliland.
Waxa uu sheegay in arrintani ay cay ku tahay Madaxweyne Trump, isagoo xusay in sannad kasta hal bilyan oo dollar uu Maraykanku siiyo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay khasaare ku tahay cashuur bixiyayaasha Maraykanka.
“Imika Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u maleynayaa in dadka Maraykanku ay doqmo yihiin, oo uu siin karo dekedo aanu maamulin, kuwaasoo ku yaalla Somaliland iyo Puntland,” ayuu yiri Pham.
Pham, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu firfircoon ee ka hadla siyaasadda Madaxweyne Trump, sidoo kale wuxuu si xooggan ugu ololeeyaa aqoonsiga Somaliland.
Jariirada Semafor, oo fadhigeedu yahay New York, ayaa sheegtay in ay heshay waraaq uu Madaxweyne Xasan Sheekh u diray Trump, isaga oo usoo bandhigay in uu siin doono maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso, taa badalkeedana Washington ay ka baaqsato aqoonsiga Somaliland.