Dhaqanka iyo odayaasha beelaha Mudulood ee degmada Balcad ayaa munaasabad soo dhaweyn iyo maamuus ah u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda iyo maamul goboleedyada ka tirsan.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, iyo odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood.
Kulanka ayaa ah mid lagu muujinayay soo dhaweyn, sharaf iyo taageero loo fidinayo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo sidoo kale looga hadlayo muhiimadda ay leedahay wadajirka bulshada, xoojinta dhaqanka iyo doorka odayaasha dhaqanka ee nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Odayaasha dhaqanka ayaa munaasabadda ka sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhexeysa bulshada, dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo mid bulsho.
Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, iyo mas’uuliyiintii kale ee ka qeyb galaya ayaa sidoo kale qeyb ka ah munaasabadda qada sharafta ah ee marti gelisay Degmada Balcad, taas oo muujineysa xiriirka dhow ee u dhexeeya hoggaanka siyaasadeed iyo dhaqanka bulshada.
Warsan Radio – Codka Shacabka.
